Xuutiyiinta oo Sheegtay Masuuliyada Weerar Lagu Beegsaday Labo Markab oo uu Sacuudigu Leeyahay.

0

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta Yemen ayaa sheegatay inay weerar ku qaaday laba markab oo shidaal oo laga leeyahay Sacuudi, kuwaas oo marayay Badda Cas, iyada oo ku doodday in maraakiibtaasi ay jebiyeen xayiraad dhinaca badda ah oo ay dhawaan ku soo rogtay maraakiibta Sacuudiga.

War ay kooxdu soo saartay ayay ku sheegtay in labada markab lagu kala magacaabo Layla iyo Insilia, kuwaas oo sida ay sheegtay watay calanka Sacuudi. Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarka loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo.

Afhayeenka kooxda ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa maraakiib ay ku eedeeyeen inay ku xadgudbeen xayiraadda ay ku soo rogeen isu socodka maraakiibta Sacuudiga ee Badda Cas.

Dhanka kale, Hay’adda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan La Socodka Ganacsiga Badda ayaa xaqiijisay in markab marayay Badda Cas uu haleelay madfac aan la aqoonsan, xilli uu ku sugnaa qiyaastii 70 mayl-badeed koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Shaqiiq ee Sacuudi.

Hay’adani waxay sheegtay in weerarku sababay dab ka kacay markabka, balse aan la soo sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalihii saarnaa ama wax wasakhow deegaan ah. Waxay sidoo kale xustay in baaritaanno lagu hayo dhacdada. Ilaa iyo hadda, maamulka Aalu Sacuudi si rasmi ah ugama aysan hadlin weerarka.

Hawlagalkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Xuutiyiintu ay ku dhawaaqeen inay xayiraad dhinaca badda ah ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga ee mara Badda Cas, tallaabadaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka iyo saamaynta uu ku yeelan karo isu socodka ganacsiga iyo shidaalka caalamka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.