Dowlado Afrika oo ku Baaqay in Lasoo Afjaro Duullaanka ay Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya.
Cameroon iyo Gabon oo ah laba dowladood oo dhaca bartamaha Qaaradda Afrika islamarkaana qeyb ka ah dowladaha xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika ayaa waxay si wadajir ah ugu baaqeen, in lasoo afjaro duullaanka mudada dheer ee ay ee ay ciidamada shisheeye ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoo marxaladda hadda lagu jiro ku tilmaamay mid ubaahan in la furo dood adag oo ku saabsan mustaqbalka duullaanka Midowga Afrika ee guud ahaan qaaradda, si gaar ah kan soomaaliya ee socda mudada fog.
Labadaan dowladood ayaa xusay in horumarada amni iyo kuwa siyaasadeed ee qaaradda ay keensanayaan, in si tartartiib ah looga guuro ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ee jinsiyadaha kala duwan leh, taas badalkeedana la xoojiyo awoodaha dalalka Afrikaanka ah.
Hadalkaan ayay ka sheegeen kulan degdeg ah oo ay yeesheen lataliyayaasha millatariga ee taabacsan golaha la baxay Nabalgalyada iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo looga arrinsanayay sidii xal loogu heli lahaa mustaqbalka duullaanka shisheeye iyo taxadiyaadka uu wajahayo, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaqaale la’aanta, arrimaha loojistikada iyo ku tiirsanaantiisa xooggan ee taageerada dibadda.
Wakiillada ka socday dowladaha Cameroon iyo Gabon ayaa xusay in kharashka badan ee lagu bixiyo ciidamada shisheeye uu culeys weyn ku yahay miisaaniyadda Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah, iyagoo tilmaamay in qaaraddu ay si isku mid ah u wajaheyso dhibaatooyin amni iyo kuwa bani’aadannimo, sii socoshada duullaannada millatari ee mudada dheer qaatana ay keenayaan su’aalo la xiriira inta ay la egtahay awoodda ay uleeyihiin sii socoshahooda.
Dowladda Fedaraalka oo qaar kamid ah masuuliyiinteedu ay horay uqireen in aysan jiri karin shisheeyaha la’aantood ayay dowladahaan dhaca bartamaha Afrika ugu baaqeen, iney u diyaar-garowdo marxaladda bixitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, loogana baahan yahay iney buuxiso firaaqa amni ee kusoo wajahan.
Hadalka kasoo yeeray dowladaha Cameroon iyo Gabon ayaa kusoo aadaya, iyadoo wargeys laga leeyahay Mareykanka qiray in uu fashilmay duullaanka ay ciidamada shisheeye ka wadaan Soomaaliya. wuxuu sidoo kale imaanayaa xilli duullaanka AUSSOM uu wajahayo dhaqaale la’aan baahsan, Washington oo horboodeysana ay si cad u sheegtay in dhammaadka sannadkaan ay gabi ahaanba joojin doonto maalgalintii ay ku bixin jirtay duullaankaas.