In ka Badan 10 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqotay Weerar Gaari Jiirsiin ah oo ka Dhacay Jarmalka.

0

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay ku dhawaad 14 kalana wey ku dhaawacmeen, weerar gaari jiirsiin ah oo ka dhacay dalka Jarmalka.

Weerarka oo si gaar ah kaga dhacay magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalka ayaa lala beegsaday, socod ay sameynayeen qolyaha Qowmu-luudka ah, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada lasoo warinayaa iney halis tahay xaaladooda caafimaad.

Qolyahaan ayaa wajahaya naceeb sii kordhaya iyo cadaadis kaga imaanaya guud ahaan bulshada caalamka, waxayna hadda ku jiraan marxalad ciriiri ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.