Deni oo Safar aan Horay Loo Sii Shaacin Ugu Baxay Dalal uu Kamid Yahay Wadanka Itoobiya.

0

Waxaa saacadihii la soo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ka safaray Siciid Cabdullaahi Deni Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland.

Safarka Deni oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxa uu ku mari doonaa dalka Itoobiya isagoo uga soo gudbaya wadanka Imaaraadka Carabta oo uu xiriir dhow la leeyahay, faragelinna ku haya deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas iyo bulshada ku nool.

Marar badan ayuu sidan oo kale Siciid Cabdullaahi Deni u galay safarro aan horay loo sii ogeyn islamarkaana lala socon xogtooda iyo ujeedada socdaalkiisa.

Su’aalaha ugu badan ee la iswaydiinayo ayaa ah muxuu Deni qabtaa marka uu galo safarradan, maxaase loo arki waayay wax uu soo qabtay oo uu ula hor imaan waayay golayaashiisa wasiirrada iyo Baarlamaanka?

Dadka iswaydiinaya arrimahan waxaa kamid ah Xildhibaan Taakilo oo katirsan Baarlamaanka maamulka la baxay Puntland oo horay uga hadlay safarrada isdabajoogga ah ee Deni oo xataa isaga laftiisa ka yaabiyay.

Siciid Deni ayaa la aamisan yahay inuu heshiiyo qarsoodi ah la soo saxiixdo dowlado shisheeye kuwaas oo aan warbaahinta loo soo bandhigin.

Leave A Reply

Your email address will not be published.