Ciidamo ka Wada Tirsan Dawlada Fadaraalka oo ku Dagaallamay Degmada Balad-xaawo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku warramaya, in saldhigga degamadaas ay israsaaseyn ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Dowladda Fedaraalka.
Ciidamadaan ay is rasaaseytu dhaxmartay ayaa waxaa kala hogaaminayay, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Balad Xaawo ninka lagu magacaabo Sugow Cali Barre iyo Taliyaha ciidanka loogu yeero Nabad Sugidda ee degamadaas Goodax Barre.
Israsaaseyntaan oo soctay muddo kooban ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu ku dhintay hal askari, iyadoona ay xoguhu intaas ku darayaan iney jiraan dhaawacyo soogaaray askar kale kuwaas oo aan tiradooda si rasmi ah loo ugeyn.
Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Balad Xaawo ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax uga socdaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo isagoona tilmaamay inaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay iskahor imaadka labadan ciidan.
Dhawaan ayey ahayd markii ciidamo kala taabacsan Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka la baxay Puntland ay kuwada dagaallameen degaan u dhaw magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.