Xiisadda Udhaxeysa DF iyo maamulka la baxay Puntland oo ku Sii Xoogeysaneysa Gobolka Mudug.
Waxaa marba marka ka dambeeya cirka isku sii shareereysa xiisadda dagaal ee udhaxeysa maamulka la baxay Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni iyo Dowladda Fedaraalka.
Maamulka la baxay Puntland oo shalay soo saaray war-saxaafadeed uu ku sheegayo in Dowladda Fedaraalka ay duulaan ku tahay maamulkooda, ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo wata gaadiidka dagaalka u diray gobolka Mudug.
Ciidankan oo wata Kolonyo gaadiid ah, ayey warbaahintu tebineysaa inuu ku wajahan yahay qeybo kamid ah gobolka Mudug.
Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay halka xudunta u ah xiisaddan colaadeed ee udhaxeya Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Puntland, waxayna Gaalkacyo isku badashay meel aad looga dareemayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda.
Maadaama magaalada Gaalkacyo ay si wadajir ah u maamulaan maamullada la kala baxay Galmudug iyo Puntland, ayaa waxay wararka qaar sheegayaan in ciidankii PSF ee ku sugnaa Gaalkacyo gaar ahaan dhanka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ay u wareegeen dhanka kan la baxay Galmudug.
Isku soo wada duuboo xaaladda gobolka Mudug ayaa ah mid coldaadeed oo aad u kacsan, waxaana guud ahaan gobolka laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan labada dhinac ee isku biro tumanaya, waa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Puntland’e.