Ganacsatada Muqdisho oo Walaac ka Muujiyay Mooska iyo Khudaarta Laga Soo Dhoofiyo Dalka Dibaddiisa.

0

Xilli dhawaan warbixin la baahiyay lagu sheegay, in Moos laga keenay dalka Kenya lagu iibiyo suuqyada Khudaarta ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya walaac ay ganacsatadu ka muujiyeen arrinkaas.

Ganacsatada suuqyada Khudaarta ee magaalada Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen, in Moos laga keenay dalka dibaddiisa lagu iibinayo suuqyada caasimadda, Dowladda Fedaraalka oo beenisay arrinkaasna aysan ka warheyn waxyaabaha dalka lasoo geliyo sida ay sheegeen.

Waxay sidoo kale ka hadleen sababta ka dambeysa in Moos laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa, taas oo ay ku sheegeen in uu yaraaday wax soo saarki gudaha asbaabo badan oo is biirsaday awgood.

Soomaaliya oo ah dal gumeysi ku jira ayaa waxaa loosoo dhoofiyaa raashin iyo waxyaabo dhacay, kuwaas oo kasoo dega dekadda iyo garoonka Muqdisho, waana taas midda keenta cudurrada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ay bulshadu wajaheyso, sidaba ay marar badan usheegeen dhaqaatiir iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.