Maxaan Kala Soconnaa Musiibooyinka uu Qeyb Ka Yahay Dabka ee Ka Taagan Afar Qaaradood?
Masiibooyin dabiici ah oo isku mar kawada dhacay dalal ku kala yaalla afar qaaradood ayaa sababay daad-gureynta boqollaal kun oo qof, kuwaaas oo intooda badan ku sugnaa dalalka Isbaanishka, koonfurta Faransiiska, Aljeeriya, Morocco, Shiinaha iyo Maraykanka, musiisabadan ayaana soo jiidatay indhaha caalamka, iyada oo wali la dareemayo saamayntii ka dhalatay.
Dalka Isbaanishka, mas’uuliyiintu waxay shalay oo Sabti ahayd ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah, kadib markii dab weyn oo ka kacay kaymaha dalkaas ay faraha ka baxeen. Dabka ugu weyn ayaa ka holcaya galbeedka caasimadda Madrid, kaas oo lagu tilmaamay inuu yahay dabkii ugu xumaa ee abid soo mara magaaladaas. Sidoo kale, dab kale ayaa ku fiday gobollada dhaca bariga dalkaas, iyaga oo sii kordhiyay khasaaraha iyo xaaladda cakiran.
Dabkan xooggan ee ka kacay dalka Isbaanishka ayaa sababay dhimashada dhawr qof, kadib markii fiidnimadii Sabtida uu qof ku geeriyooday magaalada Manises oo ka mid ah meelaha sida weyn uu dabku u saameeyay. Mas’uuliyiinta deegaas ayaa sidoo kale ku qasbanaaday inay ka daad-gureeyaan in ka badan 70 kun oo qof bartamaha dalka, iyada oo cabsi iyo jahawareer baahsan ay hareeyeen deegaannada uu dabku ku fiday.
Dhanka kale, laamaha gurmadka ayaa weli ku howlan xakamaynta saddex dab oo waaweyn oo ka holcaya duleedka caasimadda Madrid. Laba ka mid ah dababkaas ayaa mar hore isku biiray, halka dab saddexaad oo ka soo gudbay gobolka Avila uu halis ugu jiro inuu ku biiro labadaas dab, taas oo sii adkaynaysa dadaallada lagu daminayo.
Dalka Faransiiska, qiyaasaha hordhaca ah ayaa muujinaya in ku dhowaad 300 oo kun oo qof laga daad-gureeyay guryahooda, kadib markii dab wayn oo ka kacay kaymaha koonfur-galbeed ee dalka ay faraha ka baxeen. Dabka ayaa si gaar ah uga holcaya gobollada Gironde iyo Landes iyo deegaannada u dhow magaalada Bordekis, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay dab aan horay loogu arkin dalkaas.
Warbaahinta Faransiiska ayaa soo xigatay saraakiisha dab-damiska ee gobolka Gironde, kuwaas oo sheegay in dabku mar kale xoog yeeshay, isla markaana uu dib u abuuray holac cufan oo saamayn xooggan leh waxa. Tani waa xaaladda uu dabku abuuro marka ay jiraan dabeylo u gaar ah oo ay weheliyaan heer kulka oo sareeya, taas oo ka dhigaysa dabka mid si aan la saadaalin karin u fida isla markaana ay aad u adag tahay in la xakameeyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska, ayaa ka digay in daminta dabkan ay qaadan doonto waqti dheer. Dowladda ayaa furtay xarumo la dejinayo dadka laga daad-gureeyay guryahooda, hase yeeshee xarumahaasi ayaa si degdeg ah u buuxsamay. Warbixinno la soo saaray ayaa sidoo kale muujinaya in dababka kaymaha ay tan iyo bilowgii sannadkan baabi’iyeen ku dhowaad 98 kun oo hektar oo dhul ah oo ku kala yaalla deegaanno kala duwan oo dalka Faransiiska ah.
Dalka Morocco, mas’uuliyiinta ugu saraysa ayaa sheegat in ay ku guuleysteen daminta dab ka kacay gobollada Teton ee waqooyiga dalkaas iyo Tarodant ee bartamaha, iyadoo aan la diiwaangelin wax khasaare nafeed ah. Dababka ayaa billowday maalintii Jimcaha, waxaana adkaatay in la damiyo illaa Sabtidii, markaas oo ciidamada gurmadka ay ugu dambeyn ku guuleysteen inay xakameeyaan, iyaga oo adeegsanaya diyaarado ah nooca qumaatiga u kaca.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, dabku wuxuu baabi’iyay ku dhowaad 12 hektar oo kaymo ah, iyada oo dabka ka kacay gobalka Tarodant uu gubay 8 hektar, halka dabkii ka kacay gobalka Teton uu baabi’iyay 4 hektar oo dhul kaymo ah.
Sidoo kale, Dalka Aljeeriya mas’uuliyiinta wadankaas ayaa ku dhawaaqay inay ku guuleysteen xakamaynta inta badan dabkii weynaa ee ka kacay kaymaha dalkaas maalmihii u dambeeyay. Sida ay sheegeen, waxaa la damiyay 141 dab oo ka mid ahaa 159 dab oo ka holcay kaymaha dalka intii lagu jiray maalmihii la soo dhaafay, waxayna galaafteen boqolaal geed oo ahaa beero ay lahaayeen dad xoogsato ah, qaar kamida dadka musiibadani ku dhacday ayaa warbaahinta la hadlay oo uga warbixiyay khasaaraha gaaray.
War ay soo saartay Hay’adda Guud ee Difaaca Madaniga ee Aljeeriya ayaa lagu sheegay in dabku uu siwayn u qabsaday gobollada bariga iyo waqooyi-bari dalka. Dabkan ayaa markii ugu horreysay ka kacay maalintii Talaadada kaymaha deegaanka Seradi ee gobolka Annaba, ka hor inta uusan si xawli ah ugu fidin deegaanno kale, isaga oo gaaray in ka badan 10 gobol oo kala duwan.
Dalka Maraykanka, Hay’adda Dab-damiska Kaymaha ee dalka ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in tirada dab-damiyeyaasha ku dhintay dabka kaymaha ay gaartay afar qof. Dadka dhintay ayaa naftooda ku waayay iyaga oo ka qeyb qaadanayay daminta dab weyn oo kacay dabayaaqada bishii Juun, kuwaas oo ka holcayay meel u dhow xadka u dhexeeya gobollada Kolorado iyo Utah.
Faahfaahinta dhacdada ayaa muujineysa in saddex ka mid ah dab-damiyeyaasha ay ku geeriyoodeen goobta dabka, kadib markii ay galeen aag dhan oo uu xiray holaca dabka, taas oo ugu dambayn keentay in ay nafbaxaan. Sidoo kale, labo qof ayaa dhaawacmay, hase yeeshee mid ka mid ah ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, taas oo kor u qaadday tirada dhimashada, isla markaana gaarsiisay ilaa afar qof.
Dhanka Shiinaha, duufaanta xooggan ayaa shalay Axadii ku dhufatay dhulka koonfureed ee dalkaas, iyada oo wadatay roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xooggan oo ku dhuftay gobolka Guangdong iyo magaalada dariska la ah ee Hong Kong. Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, duufaanta ayaa ku qasabtay in ka badan 340 Kun oo qof inay ka barakacaan guryahooda oo ku yaallay gobolka Guangdong.
Cimilada oo aad u xumaatay ayaa sidoo kale sababtay in la joojiyo dhammaan duulimaadyadii ka bixi lahaa ama iman lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Hong Kong, inkastoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in duulimaadyadu ay si tartiib tartiib ah dib u bilaabi doonaan.