Weerar Lagu Qaaday Qunsuliyadda uu Mareykanku ku Leeyahay Dalka Canada.

0

Booliska xukuumadda Canada ayaa shaaca ka qaaday, in weerar toogasho ah uu ka dhacay afaafka hore ee qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay bartamaha magaalada Toronto ee gudaha dalkaas.

Inkastoo aysan Boolisku sheegin wax khasaare nafeed ah, waxay haddana tibaaxeen in xabado ay kusoo dhaceen hareeraha dhismaha qunsuliyadda Mareykanka ee Canada, waxaana xubnaha katirsan ciidankaas ay sheegeen in markii ay goobta yimaadeen ay arkeen gaari cad oo ka baxsanaya halka uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada Booliska ayaa isku gedaamay hareeraha qunsuliyadda Mareykanka, illaa iyo haddana ma suuragalin in la aqoonsado cidda fulisay weerarka sidoo kalana la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Waa weerarkii labaad oo lagu beegsadayo qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Toronto sannadkaan gudihiisa, 10 bishii Maarso ayayna aheyd markii weerar toogasho ah lagu qaaday isla xaruntaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.