Ciidamo Horleh oo Ka Tirsan DF oo Ugoostay Dhanka maleeshiyaadka Laftagareen.
Waxaa marba marka ka dambeysa ciidamo hor leh helaya maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maleeshiyaadkan ayaa waxaa safkooda kusoo biiray ciidamo badan oo hubkooda wata, kuwaas oo ka goostay askarta Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Sawirro ay baahiyeen maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa ka soo muuqanaya askartan oo si wadajir ah u gaaray fadhiisinkooda ciidan, halkaasina ay kusoo dhaweynayaan horjoogayaasha maleeshiyaadkan.
Qulqulka ciidamadan ayaa muujinaya kala shakiga ka dhexjira ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan Baydhabo, kuwaas mar waliba ay ka goosanayaan ciidamo iyo saraakiil hor leh.
Aadan Madoobe Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa wajahaya casbi la xiriirta in lagu soo weeraro Baydhabo, waxayna tani kusoo aadeysa xilli mar kale uu afhayeenka maleeshiyaadkan ku hanjabay iney ku wajahan yihiin Baydhabo.