Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya oo Sheegay in la Qorshaynayo Isku Day Lagu Dilaayo Isaga iyo Hoggaamiyeyaal Kale.

0

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya ayaa sheegay, in la qorsheeyay isku day lagu dili lahaa isaga, hoggaamiyayaal xisbigiisa ka tirsan iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Kenya, kuwaaas oo la doonayay in nafta la dhaafiyo, intii lagu jiray isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay gudaha dalkaas.

Gajaguwa oo ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in laba sarkaal oo ka tirsan saldhigga booliska ee Kikuyu loo kireystay fulinta qorshahaas, isaga oo intaa ku daray in xogta uu helay ay uga timid saraakiil ka tirsan isla saldhiggaas.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay labadaas sarkaal inay ku lug lahaayeen dilal kale oo hore u dhacay, kaas oo lagu khaarajiyay masuul kale oo ka tirsanaa Dowladda Kenya, isla markaana mucaarad ku ahaa xukumada haatan jirta.

Ninkan oo horay usoo noqoday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Agaasimaha mid kamida waaxda dambe barista ee dalkaas, sababo la xiriira in uu meesha ka saaray dhamaan eedaymaha loo jeediyay saraakiishaas.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa gudaha Kenya kusoo badanayay olalaha loogu jiro doorashada soo socota ee la filayo inay ka dhacdo dalkaas, xiliyadan oo kale ayaa waxaa dhaca iskudayo di loo lagu khaarajinayo dhinacyada ku kala tartamaya doorashada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.