DF oo sheegtay in Abaar Xooggan ay ka jirto Soomaaliya, Xilli dalka uu aaran yahay.
Iyadoo goballada dalka iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ugu horreyso Muqdisho ay si xiriir ah kaga da’een roob lagu diirsaday, ayaa waxay Dowladda Fedaraalka caalamka u muujisay xaalad ka duwan midaas.
Maxamuud Macalin Cabdulle oo ah gudoomiyaha hey’adda la baxday maareynta musiibooyinka ee taabacsan Dowladda Fedaraalka magaceedana losoo gaabiyo SODMA, ayaa isagoo ay hareer joogto haweeney kamid ah shisheeyaha reer-galbeedka ee kusoo duulay dalka wuxuu gabi ahaanba dafiray nimcaha uu Allaah ku galladay bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dalka ay abaar ka jirto.
Waxa uu adeegsaday ereyga abaar xooggan, taas oo ay dad badan la yaabeen hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha hey’addaan oo caan ku ah in musiibooyin aan jirin ay lacago kaga dawarsato shisheeyaha sida ay dad badan horay ugu eedeeyeen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaqaale xumo ay ka jirto caalamka, maadaama shisheeyaha uu Mareykanku ugu horreeyo ay jarteen kaalmadii ay siin jireen Dowladda Fedaraalka, isagoo tilmaamay in dowlado kale ay ku biireen safka Mareykanka marka laga hadlayo jarista dhaqaalaha.Cod
Xilligaan oo kamid ah xilli roobaadyada ayaa waxaa qeybo badan oo kamid ah dalka ka da’aya roob lagu diirsaday, iyadoo ay beeraley badan oo Soomaali ah ka faa’iideysanayaan kheyraadka dalka islamarkaana ku howlan yihiin wax soo saarka, ayaa taas badalkeeda waxay Dowladda Fedaraalka gudbineysaa sawir gaajo iyo abaar ah, si ay uhesho badiilka kaalmada laga jartay sida ay sheegeen aqoonyahanno Soomaaliyeed.