Dadka Ku Dhaqan Degmo Ka Tirsan Dhulka Soomaali Galbeed oo Wajahayasa Biyo La’aan iyo Caafimaad La aan.

0

Shacabka ku dhaqan deegaannada dhulka Soomaali Galbeed ayaa wajahaya dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo kaga imaanayo dhanka maamulka ay Itoobiyo ka dhisatay dhulkaas, oo uu hogaamiyo Mustafe Cagjar.

Inta badan dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxa laga soo tebinayaa xalado adag oo dhanka nolasha ah, iyadon ay dadka qaar helin adeegyada muhiimka u ah bulshada, sida biyaha iyo caafimaadka.

Degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle oo katirsan dhulka Soomaali Galbeed, ayaa waxa ka jirta xaalad aad u adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan degamadaas, wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in aysan dadka degaanka heysanin biyo iyo adeegyada caafimaadka oo daroori u ah nolosha.

Muuqaal saacadihii la soo dhaafay ku baahay warbaahinta, ayaa waxa ay muujinayaan, Isbitaalka degmadaas oo aad u dayacan, hal ruux oo kamid ah howlwadeennada caafmaadkana uusan joogin, waxaan la arkayaa goobihii ay dadka bukaannada seexanayeen oo ay ka muqadaan boor iyo ciid, iyagoo u ekaaday kuwa aan wax shaqo ah lagu qaban sanado ka hor.

Markii uu magaalada ruux ku xanuunsado ayaa la sheegayaa in la geeyo magaalo kale oo aad uga fog degmada, middaas oo mararka qaar keenta xaalad kale oo ka adag middii uu markii hore ku sugnaa ruuxa bukaanka ah.

Waxaa intaas sii dheer oo degmada Cadaadle ee dhulka soomaali Galbeed ka jirta xaalad biyo la’aan ah, taas oo sii adkeeneysa xaalada nololeed ee shacabka degmada, waxaana la sheegayaa in halkii fuusto ee biyaha macaanka ah uu degmada ka joogo 500 oo birta Itoobiyaanka ah taas oo u dhiganta seddax doollar iyo tobon santi.

Degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle ayaa wax ay kamid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan gobolkaas, waxay sidoo kale kamid tahay magaalooyinka ugu wax soosarka badan, hadana ay shacabkeeda ka baahan yihiin.

Maamulka ka jira dhulka Soomaali Galbeed ee hoostaga xukuumadda Adis Ababa, ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee dhulka dhulkaas ku hayo dhibaatooyin isbiirsaday oo noocyo kala duwan leh, waxaana lagu eedeeyaa in uusan dhegeysanin cabashooyinka dadka dhibaateysan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.