Koonfur Africa oo Wali ay ka Socodaan Dibadbaxyada Rabshadaha Wata ee Looga Soo Horjeedo Ajaanibta
Saacadihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dadka South Afrikaan ah, kuwaas oo ka dhanka ah dadka soogaltootiga ku ah wadankaas.
Banaanbaxyada ayaa waxaa ka dhashay boob hantiyeed iyo dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadka Soogalootiga ku ah wadankaas.
Dibadbaxayaashan ayaa boobay dukaamo ay leeyihiin dadka soogalootiga ah ee ay Soomaalidu kamid yihiin, kuwaas oo ku yaalla deegaanka KwaMashu ee duleedka magalada Durban oo ka tirsan dalka Koonfur Afrika.
Mudaaharaadayaashan ayaa la arkayay iyagoo si wadajir ah u boobaya agabka ganaci ee lagu iibinayay dukaamadan, muuqaallo laga duubay ayaana muujinaya iyadoo qof waliba inta uu qaadan karo uu la cararayo.
Sidaasi si lamid ah banaanbax rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada Kranskop ee wadankaas, waxaana lagu boobay sida kuwii hore goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka Soogalootiga ah.
Marka laga soo tago hantida la boobay ee ay leeyihiin ganacsatada Soogalootiga ah ee ay kuwa Soomaalidu ku jiraan, waxay Booliska dowladda Koonfur Afrika sheegeen in rabshadaha dibadbaxa ka dhacay magaalada Kranskop ay ku dhaawacmeen, seddax ruux oo kamid ah dadka Soogalootiga ah.
Isku soo wada duuboo dadka ay Soomaalidu kamid yihiin ee ku nool wadanka Koonfur Afrika ayaa wajahaya halis dhanka ah naftooda iyo maalkooda, taas oo kaga imaaneysa dadka South African-ka ah.