Markab Lagu Weeraray Xeebaha Dalka Cummaan.
Hey’adda howlgallada badaha ee dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay, in gantaal lala beegsaday markab marayay xeebaha dalka Cummaan ee marin biyoodka Hormuz.
Hey’adda ayaa sheegtay in gantaal aan la aqoon halka laga soo riday uu ku dhacay markabka, taas oo sababtay inuu dab ka kaco, iyadoo aan lasoo warin wax khasaare nafeed ah.
Imaaraatka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in Iiraan ay beegsatay markab ay leedahay sharikad Imaaraati ah oo ka gudbiyay marin biyoodka Hormuz, halka sharikad naftada ka shaqeysa oo uu isla Imaaraatku leeyahay ay sheegtay jimcihii shalay, in tan iyo markii uu billowday dagaalka mandiqadda loogu yeero Bariga-dhexe la beegsaday 15 markab oo ay leedahay sharikaddaas, kuwaas oo sababay dhimashada mid kamid ah shaqaalaha maraakiibta iyo dhaawaca 20 kale.