Ciidamada Itoobiya oo Maanta Mar Kale Weerar Ku Qaaday Deegaano Ka Tirsan Dhulka Soomaali Galbeed.
Ciidanka Itoobiya ee gobalka Oramada ayaa maanta mar kale weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanno dhaca dhulka Soomaali Galbeed gaar ahaan gobalka Sitti, waxaana dagaal xooggan kala hortagay dadka deegaanka oo aad u hubaysan.
Dagaal ka dhacay magaalada Mayso ayaa dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxayna Wararka qaar sheegayaan in dhinaca askarta Itoobiyaanka ah uu gaaray jab culus, in kastoo ay ciidamada Itoobiya ee gobalka Oramadu helayaan gurmad kaga imaanaya dhanka ciidanka Xabashida Itoobiya.
Dagaalkan ayaa maalinkiisii labaad oo xiriir ah ka socda magaalada Maysaa ee gobalka Sitti, wuxuuna salka ku hayaa iskuday ay ciidanka Itoobiya doonayaan inay kula wareegaan dhul beereed ku yaalla gobalkaas.
Tan iyo maalinkii uu billowday dagaalkan ciidanka Itoobiya ayaa gurmad badan kusoo daabulayay deegaannada hoos taga degmada Mayso, kuwaaas oo isku dayaya inay qeyb lixaad leh ka qaataan dagaalka iyo go’doonka lagu hayo magaalada Mayso oo laga xayiray gobalka Sitti intiisa kale.
Geesta kale maamulka ay xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ayaan wax tallaabo ah u qaadan dhanka gobolkaas iyo halka uu ka socdo dagaalka, waxayna diideen inay garab istaag u muujiyaan shacabka degmada Mayso ee dagaalka adag kula jira ciidamada dowladda Itoobiya ee dhanka gobalka Oramada ka soo weeraraya.
Dhul-beereedka Xaraar Dheere oo ah ku yaalla magaalada Mayso ayaa saldhig u noqday dagaalladan oo in muddo ah soo noqnonayay, marar dhowr ah dad kasoo jeeda deegaanka Oramada ayaa fadhiyo kala duwan la yeeshay odayaasha deegaanka Mayso, si loo hirgaliyo damacooda dhulbalaarsi, hase ahaatee iskudayaas ayaa isu badalay dagaallo daba-dheeraaday oo wali socda, isla markaana ay qeyb kasoo noqdeen ciidanka Xabshida Itoobiya.
Sidan si lamid ah ciidamada Itoobiya ee gobalka Oramada ayaa weerar kan lamid ah dhawaan ku qaaday gobalka Faafan ee dhulka Soomaali Galbeed. deegaanka Magool ee degmada Gursum ee gobalka Faafan ayaa kamid ah goobaha ay ciidankani duullaanka ku qaadeen, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa kala hortagay iska cabin xooggan.