Iska Hor-imaad ka dhacay Kenya oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen ku Dhawaad 50ruux.

0

Iska hor-imaadyo culus iyo rabshado oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo tabinayaa gudaha dalka Kenya, kadib markii isku soo baxyo siyaasadeed ay ka dhaceen gudaha dalkaas.

Ugu yaraan laba ruux oo uu sarkaal ciidan ku jiro ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, 46 kalana ay ku dhaawacmeen rabashadaan oo ka dhashay isku soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay magaalada Homa Bay ee gudaha dalka Kenya.

Xubnaha lagu dilay iska hor-imaadyada iyo rabashada ayaa waxay kala yihiin sarkaal katirsan Booliska Kenya oo ka xeynayay gaari ay leeyihiin ciidanka dalkaas, iyo haweeney u dhalatay dalka Uganda oo la sheegay inuu gaari jiiray inta ay rabshaduhu socdeen.

Todobo kamid ah dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, halka afar kamid ah ay ku dhaawacmeen rasaastii la isku adeegnayay inta uu iska hor-imaadku socday.

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii kooxo hubeysan oo kasoo horjeeday iska soo baxa siyaasadeed ay rasaas oodda uga qaadeen dadkii taageersanaa mashruucaan, waxaana badi dadka dhaawacmay soo gaaray dhaawacyo halis ah sida ay soo tabineyso warbaahinta gudaha ee Kenya.

Kolkii hore, waxaa 46-da ruux ee dhaawacyada qaba loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Homa Bay si halkaasi loogu dabiibo, balse waxaa markii dambe loo wareejiyay xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay, sababo klu aaddan shaqo joojin ay sameeyeen qolyaha caafimaadka ee Kenya.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed, dhacdooyinkaan ayaa sidoo kale sababay, burburin iyo gubid loo geystay gaadiid iyo hanti kale, waxaana lasoo warinayaa in kooxaha hubeysan ay gubeen illaa lix gaari, iyagoo xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada Homa Bay, waxaana gaadiidka la gubay ku jira kuwa dowladeed.

Sidoo kale rabashada ayaa beegsaday kaniisado ay dadka Kirishtanka ah ku leeyihiin magaalada, waxaana kooxaha hubeysan ay waxyeello xooggan gaarsiiyeen dhismayaasha kaniisadda iyo gaadiid ku dhex jiray.

Madaxa kaniisadda la weeraray ayaa sheegay in mudadii uu weerarka socday la burburiyay hanti aan wali qiimaheeda la shaacin, isagoo cambaareeyay weerarka ka dhacay magaaladaas.

Rabshada ayaa lasoo warinayaa in tan iyo habeenkii xalay ay ka socdeen magaalada, islamarkaana ay geysteen waxyeello kala duwan, waxaana ciidamada Kenya ay xireen 17 ruux oo ay sheegeen in lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha dhacdooyinkaan. Balse ayaa xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa waxaana rabshaduhu kusii fidayaan deegaanno horleh oo katirsan magaaladaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.