Kooxda Xuutiyiinta oo Sheegtay inay Weerareen Markab Ciidan oo ay Leeyihiin Reer Aala Sucuud.
Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yaxya Sariic ayaa sheegay, in kooxdu ay dhowr gantaal oo ballistic ah ku weerartay markab ciidan oo uu leeyahay Sucuudiga iyo afar doon oo kale oo la socday, kuwaas oo ku sugnaa Badda Cas gaar ahaan meel ka baxsan xeebaha magaalada Al-Mukha ee galbeedka Yemen.
Yaxya Sariic ayaa qoraal uu soo dhigay Telegram ku sheegay, in weerarku uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isagoo faahfaahin ka bixiyay qaabka uu weerarku u dhacay, wuxuu Afhayeenku xusay markabkan lagu beegsaday tiro gantaallo ah oo si toos ah u haleeleen bartilmaameedyadii loogu talagalay, Waxa uu intaas ku daray in markabku uu gebi ahaanba gubtay, halka qaar ka mid ah doomihii la socday ay degeen, qaar kalena ay gubteen.
Dhanka kale, afhayeenka milateriga Xuutiyiinta ayaa hanjabaad u jeediyay dhaqdhaqaaqyada iyo is-urursiga ciidamada reer Aala Sucuud ee ka socda dhulka iyo baddaba, kuwaaas oo isku dayaya inay duulaan ay Yahuudda wakiil kaga yihiin kusoo qaadaan dalka Yaman.
Dekedda Al-Mukha ayaa ku dhow marin-biyoodka Baabul-Mandab, waxayna isku xirtaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana loo arkaa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ay maraan ganacsiga iyo maraakiibta caalamka.
Ciidamada Dowladda Yemen ee uu Sucuudigu taageero ayaa sidoo kale sheegay, inay arkeen laba gantaal oo ballistic ah oo Xuutiyiintu ku rideen dhanka magaalada Al-Mukha iyo Badda Cas. Ciidamada ayaa sheegay in gantaallada laga soo tuuray xaruntii hore ee taliska guutada 170-aad ee difaaca cirka, oo ku taalla buurta Umaan ee bariga magaalada Taciz, taas oo gacanta Xuutiyiinta ku jirta.
Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii maleeshiyaad taageera dowladda Yemen ay sheegeen in Xuutiyiintu ay Axaddii ku weerareen magaalada Al-Mukha toddobo diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa dib u soo cusboonaaday dagaallo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ee dabadhilifyada u ah Sucuudiga, kuwaas oo ka dhacay dhowr gobol oo ay ka mid yihiin Ma’rib, Al-Jawf, Al-Daalic iyo Taciz, iyada oo Yemen ay weli wajahayso mid ka mid ah dhibaatooyin bani’aadantinimo iyo kuwo dhaqaale oo aad u adag.