Kaniisad ay Lahaayeen Kooxo Kiristan ah oo Lagu Burburiyay Magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaali Galbeed.

0

Kaniisad ay kooxo Kiristaan ah ku lahaayeen magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa si buuxda loo burburiyay, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddiga Kaniisadaha ee dowladda Xabashida Itoobiya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya, in kooxo abaabulan ay weerar ku qaadeen dhismaha kaniisadda, iyaga oo ugu dambayn gebi ahaanba dhulka la simay dhismihii Kaniisada. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya burburka gaaray dhismaha.

Dadka Kiristaanka ah ayaa kusoo badanaya dhulka Soomaali Galbeed, iyaga oo taageero ka helaya maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulkaas, si ay ugu gumeysato shacabka Muslimka ah ee ku dhaqan deegaannadaas.

Wararka la helayo ayaa ku warramaya, in maamulka Mustafa Cagjar ee uu ku shaqaysto Abiy Axmed uu hadda ku raad-joogo dadkii ka dambeeyay burburinta Kaniisadda, si uu ugu gacan-galiyo Xabashida Itoobiya.

Dhacdadan ayaa soo jiidatay buslahada, taas oo banaanka keentay sida ay dadka deegaanku uga dhiidhinayaan diimaha baadilka ah ee lagu faafinayo deegaannadooda, xilli ay geesta kale daaha ka fayday nidaamka Xabashi kalkaalka ah iyo sida uu ugu heelanyahay ka qeyb qaadashada faafinta diimaha baadilka ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.