Xiisad Dubmulaasiyadeed oo ka Dhex Curatay Dowladaha Uganda iyo Turkiga.

0

Xukuumadaha Kampala iyo Ankara oo kamid ah dowladaha kaalmaha ugu horreeya kaga jira duullaanka ay shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex curtay xiisad dublumaasiyadeed.

Xiisaddaan ayaa waxa ay sii xoogeysatay kadib markii urur siyaasadeed oo xiriir dhow la leh taliyaha guud ee ciidamada Uganda Muhoozi Kainerugaba uu qorsheeyay dibadbax lagu qabanayo afaafka hore ee safaaradda uu Turkigu ku leeyahay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Dibadbaxaan ayaa waxaa la qorsheeyay, in la qabto 01 bisha September ee soo socota, waxaana hoggaanka ururkaan uu dhammaan madaxda iyo xubnaha guddigiisa dhexe ee ururka ku amray iney ka qeyb-galaan mudaaharaadka.

Hogaamiyaha ururka ayaa waxa uu amar buuxa ku bixiyay in dhammaan hogaanka ururka ay kasoo qeyb galaan dibadbaxa, qofkii maqnaadana loo aqoonsan doono inuu xilkiisa iska casilay.

Tani ayaa waxay daba socotaa khilaaf muddo todobaadyo ah ka dhex taagnaa Turkiga iyo taliyaha guud ee ciidanka Uganda, wuxuuna si rasmi ah usoo shaac baxay kadib markii Muhoozi uu barahiisa Internetka ku baahiyay qoraallo dib laga tirtiray oo uu Turkigu kaga dalbaday lacag dhan hal bilyan oo Doollar, taas oo uu sheegay iney mag-dhow u tahay ciidamadooda looga xasuuqay Soomaaliya.

Uganda ayaa sidoo kale ku goodisay iney dalkeeda ka tarxiili doonto muwaadiniinta Turkida ah sidoo kalana meesha ka saareyso heshiisyo balaayiin doollar ku kacaya oo ay kula jirtay xukuumadda Ankara, lana xiri karo safaaradda ay leeyihiin Kampala islamarkaana la hor-istaagi doono duulimaadyada Turkiga ee yimaada dalkaas.

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda ayaa horay ugu dooday in askartooda duullaanka ku jooga dalka ay wajaheen dhiig-bax daran, saasoo ay tahayna uu Turkigu Soomaaliya yimid xilli dambe, dhaqaalana uu ka sameystay duullaanka uu kula wareegay ilihii dhaqaale ee dalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.