Ku Dhawaad 10 Ruux oo Lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Dalka Mareykanka.
Weerarkaan oo uu fuliyay nin hubeysan islamarkaana ka dhacay magaalada Billings ee gobolka Montana oo katirsan Mareykanka ayaa lagu dilay ugu yaraan sideed ruux.
Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa hal qoys ayaa waxay afar kamid ahaayeen caruur, waxaana rasaas lagu furay xilli ay casheynayeen, iyadoo uu is dilay fuliyaha weerarka.
Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay in sidoo kale uu dab qabsaday guriga, iyagoo tilmaamay in aan illaa iyo hadda la ogeyn aqoonsiga fuliyaha weerarka iyo waxa ku kalifay fulintiisa.