DF oo Barakicin iyo Burburin ka Billowday Xaafad ka Tatirsan Degmada Waaberi.
Barakicin iyo burburin wada socda xaafadda Buulo Eelaay ee degmada Waaberi, waxay Dowladda Fedaraalku xaafaddaas ku weerartay ciidan Cagaf iyo dad Burisyo wata oo si toos ah u beegsanaya guryaha dadka rayidka ah degan yihiin.
Dadka shacabka ah oo lagu dulduminayo guryihii ay deganaayeen, ayaa ka barakacay halkaas iyagoo agabkii guryahooda gacmaha ku wata, waxaana wadooyinkii laga soo geli lahaa xaafadda la dhigay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Mid kamid ah dadkii deganaa xaafadda la burburinayo ayaa ka hadlay duullaanka ay kusoo qaaday Dowladda Fedaraalka, wuxuuna sheegay iney kawarheleen guryahooda oo jiingadihi laga fiiqayo.
Burburinta iyo barakicinta ka socota magaalada Muqdisho oo uu dhulboobku wehliyo aya reer Muqdisho ku noqday arrin xanuun iyo uur-kutaallo ku reebta, iyadoo inta aan laga dumin guryaha ay qabaan walwal ah in iyaga ay ku dhici karaan wixii dariskooda qabsaday.