Shacabka Degmada Qubbi ee Dhulka Soomaali Galbeed oo ka Cabanaya Maamulka Degmadaas.

0

Marba marka ka dambyesa waxa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka ay ka cabanayaan shacabka ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowlada Itoobiya.

Bulshada ku dhaqan degmada Qubbi ee gobolka Erer oo katirsan dhulka Soomaali Galbeed, ayaa cabasho xooggan ka muujinaya maamulka degmadaas, iyagoon ka cabanaya musuqmaasuq xad-dhaaf ah, adeeg xumo ka jirta degaannka, dulmi iyo xad gudub joogta ah iyo in aanan aqbalin cabashooyinkood.

Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen dhalinyarada degmada Qubbi ayaa waxa ay ku sheegeen, in maamulka degmada uu ku tagrifalayo awoodiisa maamul, iyagoon sido kale tilmaamay in ay la kulmayaan handadaad joogta ah , qaar kamid ah dhalinyaradana xabsiga loo dhaalicyay.

Dhalinyarada ayaa waa ay sidoo kale tilmaameen, in maamulka degamada uu ka shaqeynayo isku dirka qabaa’illada walaalaha ah, waxayna si gaar ah u tilmaameen godoomiyaha degmada Qubbi iyo ku xigeenkiisa.

Waxa ay sidoo kale dhalinyaradaan tilmaameen, in dhan waliba uu masuqmaasuqa ka jiro, booyad biyaha u dhaamin jirtay dadka masaakiinta ah ayey sheegeen in uu ku ganacsanayo shaqsi uu gacanta u galiyay maamulka degmada, adegayada caafimaadka iyo waxbaarashada ayaana ka marneyn meelaha uu masuqmaasuqa baahsan ka jiro, ayey yiraahdeen dhalinyarada degmada Qubbi.

Si kastaba, degmada Qubbi ee gobolka Erer oo kamid ah dhulka Soomaali Galbeed, ayaa waxa ay ka mid tahay degmoyinka ugu liita dhanka maamulka, iyadoo sidaas ah ayeyna shacabka wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolasha ah, oo ay ugu horeeyaan biyo la’aanta iyo adeegyada caafimaadka oo liita.

Guud ahaan degaanada dhulka Soomaali-galbeed ayaa wajahaya xalado aad u liita, maadaam ay gacanta ugu jiraan gumeyste aan u diir naxeyn, waxaana Allaah uga baryeynaa in uu ka saaro dhibaatada gumeysiga.

Leave A Reply

Your email address will not be published.