Dab geystay Khasaare oo Maanta ka Kacay Suuqa Bakaaraha.

0

Waxaa maanta dab xooggan uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Cabdalla Shideeye, kaas oo geystay khasaare ballaaran oo hantiyeed.

Sunaxnimadii maanta ayuu kacay dabka, kaas oo si degdeg ah ugu fiday goobo ganacsi oo badan, isagoo gubay hanti ay lahaayeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sawirrada iyo muuqaallada ka imaanaya suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa muujinaya khasaaraha baaxadda leh ee uu geystay dabkaan, kaas oo ay ku hanti beeleen ganacsato badan.

Qaar kamid ah ganacsatada oo saxaafadda la hadlay ayaa waxay ka warbixiyeen khasaaraha baaxadda leh ee ku gaaray dabka.

Si rasmi ah looma oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dabkaan iyo tirakoobka guud ee khasaaraha kala duwan ee uu geystay.

Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa marar badan wuxuu sidaan oo kale umarti galiyay dab xooggan oo baabiyay qeybo muhiim ah oo kamid ah suuqa, waxaana ay aqoonyahannadu sheegayaan in arrintaan ay ka dameyso qorshe Shisheeye oo lagula dagaallamayo dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.

Halkaan ka Degso Warka Suuqa Bakaaraha.

Leave A Reply

Your email address will not be published.