Itoobiya oo Kordhisay Dhul-ballaariga ay ka Wado Dhulka Soomaali-Galbeed ee ay Gumeysato.

0

Bilihii lasoo dhaafay waxaa deegaanno dhowr ah oo katirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Itoobiya kusoo badanayay, weerarada ay ciidamada Itoobiya ka geysanayaan dhulkaas ee ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed.

Dagaallada oo si gaar ah uga dhacay goballada Faafan iyo Siti ayaa waxay muujiyeen, sida dardarta leh ee ay Itoobiyaanku ku qaadanayaan dhulka barwaaqada ah ee Soomaali-galbeed.

Inkastoo Soomaalida ku dhaqan dhulka ku hoos jira gumeysiga Itoobiya ay badankood qaflad kaga jiraan arrinkaan, haddana waxaa jira dad yar oo hubeysan islamarkaana dagaal kula jira ciidanka Itoobiyaanka ah ee doonaya iney la wareegaan dhulkaas.

Itoobiyaanka oo isku batay ayaa waxay doonayaan iney dhul uhelaan dadkooda, taas darteed ayayna doonayaan iney xoog ku barakiciyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkooda.

Goobaha ugu badan ee ay Itoobiyaanku weerarada iyo culeesyada ku hayaan waxaa kamid ah magaalada Mooyaale oo ay illaa iyo hadda raabinayaan tab iyo xeelad ay ku qabsadaan, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ay weeraro ba’an ku hayeen degmada Ma’isa ee gobolka Siti, iyagoo halkaas kala kulmay iska caabin xooggan.

Weeraradaan dhul-ballaarsiga ah ee ay Itoobiyaanku wadaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan degmada Diridhaba ee dhulka Soomaali-galbeed ay Itoobiyaanku si rasmi ah ugu biiriyeen dalkooda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.