Wilaayada Banaadir oo Ka Hadashay Dabka Maanta Ka Kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wilaayada Banaadir ayaa ka hadashay dabka maanta ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku hanti beeleen dad badan oo ku ganacsanayay dhismayasha uu dabku ka kacay iyo hareerahooda.
Waaliga Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale, ayaa waraysi aan la yeelanay wuxuu fariin dabacsan oo sabarsiin ah u diray dadka ku cayrtoobay masiibadaas, dhanka kale wuxuu Waaligu ka digay dhagaraha cadowga oo ay ugu horeeyaan wadamada shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka, kuwaas oo wada duulaan dhaqaale.