Maamulka Hargeysa oo Xabsiga Dhigay Abwaan Tiriyay Gabay uu ku Habarayo Cabdiraxmaan Cirro.

0

Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa uu xabsiga dhigay, mid kamid ah abwaanada kasoo jeeda goboladaasi, kadib mrkii uu tiriyay gabay uu ku habaaray hogaamiyaha maamulkaas Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro.

Abwaanka ayaa waxaa uu gabaygaani ku sheegey, in dulmi lagula kacay, waxaana uu gabaygiisa ku habaaray hogaamiyaha maamulkasi cabdiraxmaan Cirro, maamulka Hargeysa oo dhibsaday habaarka ayaa xabsiga u dhaadhiciyay Abwaanka.

Dhanka kale maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa uu xabsiga dhigay, mid kamid ah wariyaasha ka howlgalo warbaahinada degaanadaas, mana usan shaacinin maamulka sababta rasmiga ah ee uu u xiray wariyahaan, balsa waxaa loo badinayaa in loo xiray wareysi uu ka qaaday abwaanka habaaray maamulka Cabdiraxmaan Cirro.

Hadaba siduu Cirro u habaaray abwaankan? muxuuna yahay habaarka la sheegay in loo xiray.

Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa uu mudooyinkii danbe bilaabay, in u cadaadis xoogan saaro bulshada ku dhaqan deegaannada uu gacanta ku hayo, saxafigan la xiray ayaa waxa uu noqonayaa wariyihii 46-aad ee uu xiray maamulkaan tan iyo markii loo doortay xilka maamulka la baxay Soomaaliland.

Leave A Reply

Your email address will not be published.