Kumanaan Qof oo Ka Barakacay Goballada Oramada Kadib Hawlgallo Lagu Beegsaday Qawmiyadda Amxaarada.
Xaaladda amni ee magaalada Anger Gute iyo nawaaxigeeda, oo ka tirsan Bariga Wollega ee deegaanka Oramada, ayaa kasii dartay kadib weerar lagu qaaday bas rakaab ah toddobaadkii lasoo dhaafay. Wararka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ka barakaceen deegaanadooda, iyadoo ciidamada ammaanka ee gobalkaas ay hawlgallo ka wadaan deegaanno ay degan yihiin bulshada Amxaarada.
Sida aya sheegtay warbaahinta DW Amharic qof deegaanka ah oo magaciisa aan la shaacin, ayaa ka waramay dhacdo la diwaan galiyay, taas oo ah in bas rakaab ah oo ka ambabaxay Anger Gute kuna sii jeeday Nekemte la weeraray. Qiyaastii 40 ilaa 50 qof oo rakaabkii baska saarnaa ayaa la sheegay in rag hubeysan ay afduubteen, iyada oo ilaa hadda aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay, in xaaladdu aysan wali caadi ku soo noqon deegaanada Tulu iyo Fileej Thirii. Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegay in ay cabsi jirto, maadaama kooxo hubeysan ay ka hawlgalaan deegaannadaas. Dad badan ayaa sidoo kale ka barakacay deegaanka, iyaga oo hantidooda uga tagay guryahooda.
Dadka deegaanka ayaa ku warramay, in inkastoo iska horimaadyo u dhexeeyaan kooxaha hubeysan iyo ciidamada dowladda, haddana dadka rayidka ah ayaa lagu bartilmaameedsanayaa eedeymo la xiriira inay taageero dhinaca saadka ah siiyaan kooxaha hubeysan.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya, ciidamada dowladda oo gubaya guryo ku yaalla deegaanka. Muuqaal kale ayaa waxaa kasoo muuqday ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya oo burburinaya kaniisada Ortadhagiska ee deegaanadaas.
Jabhadda Fano ayaa horey weerarro ugu beegsatay ciidamada dowladda Itoobiya oo ku sugnaa qaybo ka mid ah gobolka Wollega. Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ku eedeeyay ciidamada Dowladda Itoobiya ee gobalka Oramada, in waxa ka socda deegaanka ay noqdeen barakicin qowmiyadeed iyo xasuuq si gaar ah loogu beegsanayo qawmiyada Amxaarada.