Weeraro 5 Maalmood Gudahood ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca ku Dhawaad 70 Askari.
Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dagaallo iyo qaraxyo is xigay, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Deyniile iyo degmada Yaaqshiid. Wararka laga helayo dhacdooyinkan ayaa sheegaya in dagaallada iyo qaraxyadu ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Fedaraalka.
Maalinimadii Talaadada oo ay taariikhdu ku beegnayd 25-ka Bishan Ogasto, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday kolanyo ka tirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan waxaa ku dhintay 3 askari oo ay goobta dagaalka uga carareen, waxaana ku dhaawacmay 9 kale.
Dagaalladii ugu xooganaa ayaa mar kale ka dhacay duleedka degmada Deyniile, waxaana dhawr jeer lagu jabiyay ciidanka Dowladda Fedaraalka iyadoo dagaalladaasi ay ku beegnaayeen maalinimadii Khamiista, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale.
Dagaal kale oo isna khamiistii ka dhacay isla nawaaxiga Deyniile ayaa sababay khasaare xooggan oo gaaray ciidanka Dowladda Fedaraalka. Sida lagu sheegay xogaha aan helayno, 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ayaa lagu dilay dagaalkan, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu qabsaday hub iyo qalab ciidan.
Geesta kale, Dagaallo lagu jabiyey askarta Dowladda Fedaraalka ayaa shalay Sabtidii oo ay taariikhdu ku beegnayd 29-ka Bishan Sideedaad waxay ka dhaceen duleedka degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaallaadaasi lagu dilay 10 askari, halka lagu dhaawacay 10 kale oo ay ku jireen taliye Urur iyo taliye Horin.
Dhanka degmada Yaaqshiid, qarax ayaa habeenimadii Arbacada lala beegsaday bar-koontarool oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalku ku lahaayeen xaafadda Godeey Makane. Wuxuuna qaraxaasi sababay dhimashada laba askari iyo dhaawaca seddex kale, iyada oo sidoo kale la burburiyay mooto goobta tiillay askarta la weeraray.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey xalay qarax la beegsadeen fariisin ay Askarta Dowladda Fedaraalka ku lahaayeen xaafada Xalane ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Dhaawaca waa 4 askari oo Labo garaab tahay waxaana dhaawacyada garaabka ah ku jira taliyiha waaxda xaafadda Xalane kaasi oo lagu magacaabo Cabdi Rashiid Bururuf.
Qarax kale oo ay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen fariisin ay ciidanka Dowladda Fedaraalka ku lahaayeen xaafadda Tawakal ee degmada Yaaqshiid, ayaa sababay dhaawaca 1 askari.
Marka la isku daro khasaaraha ka dhashay hawlgalladii iyo dagaalladii duleedka Deyniile iyo degmada Yaaqshiid, tirada dhimashada ciidamada Dowladda Fedaraalka ee Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa gaaraysa 24 askari, halka ay ku dhaawacmeen 45 kale, waxayna tirada guud ee dhimashada iyo dhaawucu noqoneysaa 69 isugu jira askar iyo saraakiil.