Ciidan & Cabdi Bile ay wateen oo maanta u goostay dhinaca maleeshiyaadka Laftagareen.

0
Sida ay wararku tibaaxayaan gaari ciidan oo noociisu yahay Cabdi Bile iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa maanta goostay maamulka Aadn Madoobe ee Baydhabo, waxaanay ku biireen maleeshiyaadka C/Casiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada.
Baabuurkan ayaa dib ugu soo noqday gacanta maleeshiyaadka Laftagareen, kadib markii sida la sheegay uu horey ula goostay Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay) oo ah gudoomiyaha degmada Baydhabo ee maamulka Aadan Madoobe.
“Mid ka mida gaadiidkii uu la goostey Kalaay ayaa dib ugu soo laabtey gacanta daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya” Ayuu yiri Ugaas Xasan oo ah afhayeenka maleeshiyaadka Laftagaree, kaas oo goor dhawayd qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale barta xiriirka bulshada ee Afhayeenka Laftagareen ayaa lagu baahiyey sawirro iyo muuqaallo ku saabsan maleeshiyaadka kasoo goostay dhinaca Aadan Madoobe iyo weliba gaariga Cabdi Bilaha ah ee ay wateen.
Tallaabadan ayaa noqonaysa dhabar-jab kale oo soo food-saaray kooxda Aadan Madoobe ee duullaanka ku qabsatay magaalada Baydhabo. Waxaana muuqata in burbur xooggani ku socdo kooxdan oo ka wakiil ah Xasan Sheekh Maxamuud.
Labo cisho ka hor uunbay ahayd markii Sandheere oo ah taliyihii guud ee waxa loogu yeero ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed uu ka goostay maamulka Aadan Madoobe, kaas oo isaga iyo maleeshiyaad uu watay ay tageen magaalada Buurhakaba.

Leave A Reply

Your email address will not be published.