Tobanaan Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerarro ka Dhacay Gobalka Koonfurta Itoobiya.

0

Wararka inaga soo gaaraya waddanka Itoobiya ayaa ku warramaya, in kooxa hubaysan ay weerarro safballaaran ah ku qaadeen tuulooyin dhawr ah oo ku yaalla Gobalka koonfurta Itoobiya, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Weeradan oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ka dhaceen xuduudaha u dhexeeya aagagga Konso, Ale, iyo South Omo ee gobolka Koonfurta Itoobiya, waxeyna sababeen dhimashada ugu yaraan 12 qof oo lagu dilay aagag kala duwan, marka la isku geeyo xogaha ay bixiyeen masuuliyiinta deegaanka.

Weeradan ayaa sidoo kale sababay, dhaawaca tobannaan ruux iyo barakaca in ka badan 500 oo qof, kuwaas oo ka qaxay tuulooyin dhawr ah oo ay kooxaha hubaysan weerarka kusoo qaadeen.

Ragga hubaysan oo kasoo duulay deegaanno dhaca Gobalka koonfurta Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay, inay dab qabadsiiyiin 21 dhisme, oo ay ku jiraan xarumo caafimaad, waxbarasho iyo gooba Kaniisado ah.

Fikru Birhanu oo ah madaxa maamulka degmada Kolme ee aagga Konso ee gudaha Itoobiya, ayaa sheegay, in weerarka ay bilaabeen rag hubeysan oo deegaanka u galay iyagoo ku andacoonaya inay raadinayaan xoolo la waayay, kuwaas oo intaasi kadib geystay weerarkaas baaxadda leh, iyadoo la tilmaamay, inay gacan ka haleen kooxa kale oo ku sugnaa mid kamid ah deegannada la weeraray.

Dowladda Itoobiya ayaa kadib weerarka aaggaas ku daadisay ciidamada Millatariga, sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.

Dalka Itoobiya marka laga soo tago jabhadaha waxaa ku badan kooxaha hubaysan ee si iskood ah weerarada uga geysanaya gudaha dalkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.