Dagaallo Askar Maxaabiis ah Looga Qabtay Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Ka Dhacay Hiiraan.

0

Waxaa Faahfaahin laga helayaa ayaa dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalladan oo ahaa kuwo culus ayaa waxaa sii kordhay khasaaraha gaaray askarta Dowaladda Fedaraalka iyo hubka lagu furtay intaba.

Ugu yaraan afar askari oo mid sarkaal yahay ayaa lagu dilay dagaalladan, waxaana lagu dhaawacay tiro kale.

Waxaa sidoo kale jira askar maxaabiis ah oo lagu qabtay dagaallada kuwaas oo gacanta ugu jira ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu soo furtay afar qori oo AK-47 ah, booshashkooda iyo qori RPG ah.

Marka loo eego dagaallada maanta ka dhacay Hiiraan waxaa Dowladda Fedaraalka waxaa gaaray jab aad u culus oo dhabarka ka jabiyay, maadaama laga dilay sarkaal iyo askar laga furtay hub maxaabiisna gacanta looga dhigay, taas oo ay usii dheer tahay iney ku jabeen dagaallada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.