Maleeshiyaadka Laftagareen oo ku Hanjabay Iney Maalmaha Soo Socda Weerari Doonaan Magaalada Baydhabo.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa hadal hanjabaad ah jeediyay Afhayeenka Cabdicasiis Laftagareen Xasan Cabdi, kaas oo u hanjabay maamulka la baxay Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wuxuu sheegay ninkan iney maalmaha soo socda weerari doonaan magaalada Baydhabo, isagoo tilmaamaay iney beegsan doonaan Aadan Madoobe iyo maamulkiisa, hurdadadana udiidi doonaan.
Waxay intaasi ku daray iney ka saarayaan magaalada magaalooyinka ay haystaan meel kasta oo ay galaanna uga dabageli doonaan.
Waakan isaga oo ku goodinaya arrimahaas arrimahaas.
Hadalkan hanjabaadda ah ayaa kus oo aadaya xilli maalmahihii la soo dhaafay ay maleeshiyaadkan ku biireen saraakiil badan iyo askar ka goostay maamulka uu hogaamiyo Aadan Madoobe.
Maleeshiyaadkan taabacsan laftagareen ayaa duurka galay kadib markii laga saaray magaalada Baydhabo, waxayna aammisan yihiin in Aadan Madoobe uusan ahayn in doorasho ku yimid ee uu keensaday Xasan Sheekh, sidaasi ayeyna ula dagaallamayaan.
Fikir kaas lamid ah waxaa aamisan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka la baxay Koonfur Galbeed ee uu xilligan hogaamiyo Aadan Madoobe ninka lagu magacaabo Mahad Maxamad, munaasabaddii caleemasaarka Aadan Madoobe ayuuna Xasan Sheekh hortiisa ka sheegay, inuu isagu u keenay Aadan Madoobe.
Isku soo wada duuboo Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa cabsi ay ka qabaan maleeshiyaadka awgeed waxay dhufeysyo ka sameysteen gudaha xaafadaha magaalada Baydhabo, waxayna ka soo carareen duleedyada magaalada, si aysan hadaf joogto ah ugu noqon weerarrada maleeshiyaadkan ee ku dhufoo ka dhaqaaqda ah.