Ciidamada Maamulka La Baxay Soomaaliland oo Dad Shacab ah Ku Dhaawacay Magaalo Dhacda Waqooyiga Soomaaliya.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Geerisa ee gobolka Awdal oo dhacda xadbeenaadka ay wadagaan maamulka la baxay Soomaaliland iyo Jabuuti, ayaa waxaa ay ku warramayaan, in halkaasi ay ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland waxyeelo ugu geysteen dad shacab ah oo magaaladaas ku dhaqnaa.

Ilo wareedyo degaanka ah ayaa waxa ay sheegeyaan, in ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ay gudaha u soo galeen magaalada, iyagoo rasaas ooda kaga qaaday dadka shacabka ee magaaadaasi ku dhaqan, muqaal lagu baahiyay baraha intarnedka ayaana mujinaya, askarta maamulkaas oo rasaas nool nool u adeegsanaya dadka shacabka.

Ugu yaraan seddax ruux ayaa la sheegey in ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland, sida ay sheegeen ilo goob joogayaal ah oo ku sugan magaaladaas.

Mid kamid ah dadka ku sugan magaalada ayaa waxa uu warbaahinta u shegey in ciidamda ay rasaas ku fureen dadka shacabka ee magaalada , isagoo sheegay in ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ay dadka shacabka ah u adeegsadeen hub kasta oo ay wateen.

Si kastaba ciidamda maamulka la baxay Soomaaliland ayaa marar kala duwan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada ay gancta ku hayaan kula kaceen tacadiyo kala duwan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.