In ka Badan 4,200 oo Yahuud ah oo Xoog ku Galay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa.
Magaalada Al-Qudus oo uu ku yaallo masjidka barakeysan Al-Aqsaa gumeysigana ku heystaan Yahuudda ayaa wajaheysa, weeraro ka dhan muqaddasaadka Muslimiinta sidoo kalana beegsanaya dadka rayidka ah ee ku dhaqan dhulkaas.
In ka badan 4240 oo kamid ah Yahuudda xoogga loogu deegaamayay dhulalka Muslimiinta islamarkaana ay hogaaminayaan wasiirka Amniga ee Sahaayinada – Itmar Bin Ghafiir iyo xubno katirsan baarlamaanka Yahuudda ayaa waxay xoog ku galeen barxadaha masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, kuwaas oo ay ilaalo xooggan ka hayeen ciidanka gumeysiga.
Yahuudda ayaa Muslimiinta Falastiin udiiday iney soo galaan masjidka, waxaana taas badalkeeda ay Sahaayinadu halkaasi ku dhigteen mid kamid ah ciidahooda baadilka ah, iyagoo heeso iyo qoob ka ciyaar ku sameeyay gudaha masjidka, waxaana ciidanka gumeysiga ay teendhooyin waaweyn u dhiseen Sahaayinada, taas oo ka dhigan in ay doonayaan wujuud joogta ah oo ay ku yeeshaan masjidka.
Waa weerarkii ugu ballaarnaa ee mudooyinkaan dambe Yahuuddu ku qaado masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa oo ah qibladii ugu horreysay ee Muslimiinta iyo halkii loo dheelmiyay nabi Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasallam.