Shacab Turki ah oo Garaacay Gabar Taabacsan Maamulka Somaliland Taasoo ay ku Eedeeyeen Yahuud Jacayl.

0

Asma waa gabar waxbarasho u aaday wadanka Turkiga balse wixii ka dambeeyay markey is dhaxgaleen maamulka la baxay Somaliland iyo Yahuuda waxay lasoo baxday calan iyo astaamo kusoo jiiday indhaha shacabka wadankaas.

Inkastoo dowladda Turkigu ay tahay mid la ganacsata oo saaxiib la ah Yahuuda haddana shacabka dalka in badan oo kamid ah ayaa neceb Yahuuda, taas ayaana keentay in Asma weerar lagu qaado.

Asma ayaa sheegeysa in laga jeexjeexay calan ay wadatay sidoo kalana la jirdilay.

Asma hadda waxay joogtaa magaalada Hargeysa iyadoo aad uga xun wixii ku dhacay, ma ahan qofkii ugu horreeyay oo maamulka la baxay Somaliland iyo Yahuudda taageersan oo dalka dibaddiisa lagu jir dilay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.