Dad Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Toogasho ka Dhacday Daanta-Galbeed.
Barqanimadii maanta weerar toogasho ah ayaa ka dhacay deegaan katirsan magaalada Nabulis ee Daanta-galbeed, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad Yahuud ah.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ah Yahuudda xoogga loogu deegaameeyay dhulalka Muslimiinta ayaa lagu dilay weerarkaan halka lagu dhaawacay saddex kale, waxa uuna si gaar ah uga dhacay Mustowdanada Xafaat-Jalcaad ee ku taalla woqooyiga Daanta-Galbeed.
Ruux Falastiini ah ayaa waxa uu qorigiisa xoog uga qaatay nin Yahuudi ah oo ku sugnaa goobta, wuxuuna halkaas ku dilay ninka Yahuudiga ah isagoo ku dhaawacay saddex kale, waana tirakoob horudhac ah iyadoo ay suuragal tahay inuu khasaaruhu intaan a badan yahay.
Kanaalka 14aad ee Yahuudda ayaa sheegay, in ciidanka gumeysiga ay diyaarado Helicopter ah u adeegsadeen soo daabulidda dhaawacyada Sahaayinada, taas oo muujineysa in khasaaruhu uu xooggan yahay.
Shalay ayay sidoo kale aheyd markii deegaan katirsan isla Daanta-Galbeed lagu dilay ruux Yahuudi ah, kadib markii lala beegsaday weerar Mindi loo adeegsaday, waxaana Yahuudigaas oo lagu magacaabi jiray Itmar Koohiin uu kamid ahaa Sahaayinada ugu caansan ee lagu deegaamayay Daanta-galbeed.