Masuul Katirsan Maamulka Aala-Sucuud oo Meydkiisa Laga Helay Hotel ku Yaalla Caasimadda Ingiriiska.
Waxaa la shaaciyay in la helay meydka Cabdullaahi Bin Fahad oo katirsan masuuliyiinta maamulka Aala-Sucuud, kaas oo laga helay hotel ku yaalla magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Masuulkaan oo ay da’diisu aheyd 29 sano ayaa waxaa si gaar ah meydkiisa looga helay musqul ku tiillay hotelka uu ka daganaa magaalada London.
Baaritaan lagu sameeyay meydka ninkaan ayaa muujinaya, in la siiyay khamri iyo mukhaadaraad la isku daray, taas oo saddex jibaar ka badan qadarka ay gaaladu ka qaataan waxyaabahaas.
Baaritaanka waxaa sidoo kale lagu ogaaday in masuulkaan uu wadnuhu istaagay kadib markii ay dhacdadaan qabsatay, waxaana suuragal ah in la sumeeyay, maadaama aysan jirkiisa ka muuqan wax dhaawacyo ah.