Xuuthiyiinta oo Billaabay Weerarro Toos ah oo Lagu Beegsanayo Xarumaha Shidaalka ee Maamulka Aala-Sucuud.

0

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda u dhaxeysa kooxda Xuuthiyiinta iyo Maamulka Aala-Sucuud, iyadoo Xuuthiyiinta lasoo warinayo in weeraro ballaaran ku qaadeen xarumaha shidaalka ee uu Sucuudigu leeyahay.

Saacado kadib duqeymo uu Mareykanku ka geystay Yeman ayay Xuuthiyiintu sameeyeen jawaab celinta weeearadaas, iyagoo sawaariikh la beegsaday xarumo shidaalka sifeeya oo ku yaalla mandiqadda Jaazaan ee dhacda Koonfurt dalka Yeman.

Kooxthiyiinta ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen uu jawaab u yahay duqeymo uu maamulka Aala-Sucuud xalay ka fuliyay magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yeman, waxaana goobaha la beegsaday kamid ah xarumaha sharikadda shidaalka ee Aramko , iyadoo aan illaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgallada Xuuthiyiinta.

Weeraradaan lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee Sucuudiga waxaa ka horreeyay oo ay Xuuthiyiintu beegsadeen, maraakiib shidaal oo uu leeyahay maamulka Aala-Sucuud oo marayay marin biyoodka Baabul-mandab ee ku teedsan Badda-cas

Tani ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka taagan gobolka ee u dhaxeysa maamulka Iiraan oo dhinac ah iyo Yahuudda iyo Mareykanka oo is-garabsajaya, taas oo ay sii dheer tahay tan hadda ka dhex taagan maamulka Aala-Sucuud iyo kooxda Xuuthiyiinta.

Leave A Reply

Your email address will not be published.