Weerarada Diimaha ku Saleysan oo ku Badanaya Itoobiya, Iyadoo la Beegsaday Dad Muslimiin iyo Gaalo.
Dalka Itoobiya oo wajahaya dagaallo iyo xaalado siyaasadeed ayaa waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay weerarada ku saleysan diimaha, kuwaas oo beegsanaya dadka Muslimiinta iyo kuwa gaalada ah.
Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa horay siyaabo kala duwan uga dhacay, weeraro isugu jira dil iyo kuwa beegsanaya guud ahaan Muslimiinta ku nool dalkaas, waxaana maamulka ka jira gobolkaan lagu eedeeyay inuu hormuud ka yahay weerarada ka dhanka ah Muslimiinta.
Horraantii bishaan Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray, digniin ku saabsan weeraro iyo hanjabaado is-daba-joog ah oo lala beegsanayo imaamyada iyo dadka muslimiinta ah ee u cibaadaysi-taga masaajidda ku yaalla gobolka.
Waxay tilmaameen in rag hubeysan ay weeraro ba’an ku hayaan imaamyada iyo dadka salaadda Cishaha kusoo tukada masaajidda, iyadoo qaar ka mid ah la dilay kadib markii rasaas oodda looga qaaday.
Muslimiinta gobolka Amxaarada ayaa xitaa waxaa lagala dagaallamay shacaa’irta diinta Islaamka, iyadoo kol sii horreysay maamulka mandiqaddaan uu gabdhaha Muslimaadka ah udiiday xijaabka.
Marka laga yimaado weerarada ka dhanka ah Muslimiinta, waxaa geesta kale gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya ka socda howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo Kirishtanka Itoobiya iyo Kaniisadooda, kuwaas oo sababay dhimashada tobannaan kamid ah Kirishtanka dalkaas.
Warbixinnada ka imaanaya mandiqadda Arsi ee dhacda gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya, in dad ka badan 53 kamid ah Kirishtanka Itoobiya lagu dilay silsilado weeraro ah oo ka kala dhacay mandiqadda Asseko, Shirka, Honkolo Abe, iyo Munisa, kuwaas oo billowday 31-dii bishii May ee sannadkii 2026, socdayna ilaa bishii June ee lasoo dhaafay.
Kirishtanka ugu badan ayaa horraantii bishii June lagu dilay mandiqadda Asseko ee gobolka Arsi, waxaana intaa dheer oo la gubay guryo iyo Kaniisado Ortodoks-ku leeyihiin, kuwaas oo ay ku jirtay Kaniisad dhisneed 101 sano, waxaana mandiqadda isaga barakacay boqallaal Kirishtan ah.
Intii ay socdeen weeraradaan waxay warbixinnadu sheegayaan in la gubay wax ka badan 200 oo guri islamarkaana la ka xeystay in ka badan 150 xoolo ah, waxaana madaxda Kaniisadaha ee gobolka ay sheegeen, in ku dhawaad 280 qoys oo ka kooban qiyaastii 1500 oo ruux ay isaga barakaceen guryahooda, kuwaas oo magan-galyo u raadsaday Kaniisad ku taalla mandiqadda Irisha ee gobolka Oromiya.
Qaar kamid ah Kirishtanka ka badbaaday weeararadaan ayaa u firxaday dhulka howdka ah, halkaas oo ay ku wajahayaan cabsi iyo qalqal xooggan, madaxda Kaniisadaha ee mandiqadda ayaana walaac xooggan ka muujiyay xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay wajahayaan Kirishtanka Itoobiya.
Itoobiya waxaa u badan Muslimiin, laakin caqabadaha iyo dagaalada mar walba dhaca ayaa ku saleysan dadka tirada yar ee Kiristanka ah oo doonaya iney ku amar taagleeyaan inta tirada badan oo ah Muslimiinta.