Masuul Hore oo Sheegay In ay Dalka Ka Dhici Karto Sidii Afghaanistaan Hadii Cidamada Shisheeye Baxaan.
Cabdiraxmaan Ceynte oo horay xilal uga soo qabtay Dowladda Fedaraalka haddana kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ee Xasan Sheekh ayaa waxa uu muujiyay, walaaciisa ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ah ee uu wajahayo duullaanka shisheeye ee Soomaaliya.
Ceynte ayaa waxa uu sheegay in ay aad u adag tahay sii joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, isagoo ku taliyay iney doorasho warkeeda iska daayaan una soo jeestaan sidii ay isku badbaadin lahaayeen.
Shisheeyaha ayuu sheegay in mar waliba ay Dowladda Fedaraalka weydiiyaan sababta ay ku dhawaad 20 sano kadib isugu filnaan la’yihiin, wuxuuna taas u sababeeyay hab dhaqanka madaxda xukuumadda Muqdisho oo uu ku eedeeyay iney shaqeynayaan danahooda oo kaliya.
Haddii aan wax laga badalin xaaladdaas ayuu sheegay iney dhici karto sidii Afghaanistaan oo kale, isagoo tilmaamay in Ashraf Ghani isagoo heysta 800,000 oo ciidan ah ay dalka kala wareegeen ciidamada Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan oo uu tiradooda ku sheegay 50,000 oo kaliya.
Hadalka Ceynte ayaa kusoo aadaya iyadoo si guud ay xaalad adag soo wajahday duullaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Mareykanka uu sheegay inuu dhammaadka sannadkaan joojinayo gabi ahaanba taageeradii uu ku bixin jiray duullaankaas, waxaana hadda socda shirar aan kala joogsi laheyn oo ay leeyanayaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, kuwaas oo intii la qabtay aan wax natiijo ah laga soo saarin.