Askar Katirsan Booliska Dowladda Fedaraalka oo ka Cabanaya Mushaar La’aan.
Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa soo wajahay culeys dhaqaale oo baahsan, waxayna ku filnaan la’dahay miisaaniyadaha ku baxa shaqaalaheeda iyo ciidankeeda.
Muddo ku dhawaad labo bilood ah waxaan wax mushaar ah qaadan sarkiil iyo askar katirsan Booliska Dowldda Fedaraalka.
Sarkaakiishan iyo askartan oo ay saameysay xaaladda dhaqaale ee soo wajahday, ayaa sheegay iney gudbiyeen cabashadooda balse aan waxba laga qaban illaa iyo hadda.
Tani ayaa ku soo aadeysa xilli ay sii kordhayaan askarta ka cabanaya mushaar la’aanta ee katirsan Dowladda Fedaraalka.
Dhawaan ayey ahayd markii koronto la’aan awgeed albaabada la isugu laabay wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Fedaraalka, kadib markii ay iska bixiweysay lacag oo lagu lahaa.
Arrimahan ayaa ah kuwa dhamaantood muujinaya dhaqaale xumida bahaasan ee ay maareyn la’dahay Dowladda Fedaraalka, iyadoo ay dhanka kale udeyrinayaan shisheeyihii gacanta ku hayay ee qarashka tiro beelka ah ku bixinjiray.