Ciidamada Uganda oo Gaari Shacab ku Jiiray Magaalada Muqdisho.
Barqanimadii maanta gaadiid ay wateen ciidanka shisheeye ee Uganda ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku jireen, gaari nuuxa raaxada ah oo marayay mid kamid ah wadooyinka caasimadda.
Falkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyska Balaksii ee magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka Uganda waxyeello xooggan gaarsiiyeen gaari uu watay qof shacab ah.
Ruuxa gaariga watay ayaa lasoo warinayaa inuu dhaawac kasoo gaaray dhibaatada ay geysteen ciidamada Uganda.
Muqdisho ayaa waxaa horay sidaan oo kale uga dhacay falal ay ciidanka shisheeye gaadiid ku jiirsiiyeen dad shacab ah, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.