Khilaaf Siyaasadeed oo Sii Xoogaysanaya oo Ka Dhex Curtay Dowladaha Ingiriiska iyo Keenya.
Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u baajisay dhoollatus ciidan oo loo qorsheeyay inuu bisha Sebtembar ee sanadkan 2026 ka ka qabsoomo dalka Kenya, kadib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal.
Go’aankan ayaa daaha ka rogay xiisad cusub oo soo wajahday xiriirka milatari ee mudada tobannaanka sano ah u dhexeeyay London iyo Nairobi, iyada oo muranku uu salka ku hayo arrimo la xiriira awoodda maamul ee ciidamada iyo cidda leh awoodda dacwad ku oogista askarta Ingiriiska ee ku sugan Kenya.
Murankan ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan Ciidamada loo yaqaano Biritish Aami Tareenin Yunit Kenya oo ah cutub ka tirsan askarta Ingiriiska oo muddo dheer ka howlgalayay Kenya, kuwaaas oo tababaro siin jiray Ciidamada Kenya, isla markaana ka qayb qaadan jiray hawlgalada ay ka fuliyaan dalka iyo dibadiisa.
Ciidamada Ingiriiska ayaa tobannaan sano tababarro ka bixinayay gudaha dalka, sidoo kalana ku tababaranayay, waxayna xarun ka dhigteen deegaanka Nanyuki ee bartamaha dalka Kenya. Cutubyadan ayaa qayb lixaad leh ka qaatay bartilmaameedsiga dadka ay dabagalka ku hayso Dowladda Kenya, waxayna marar badan si bareer toogashooyin iyo hawlgallo qarsoodi ah ka fuliyeen gudaha Kenya.