Mareykanka oo Xubnaha Heysta Dhalashadiisa ee ku Sugan Muqdisho Uga Digay Isbadallo Dhici Kara
Dowladda Mareykanka ayaa xubnaha heysta dhalashadeeda ee katirsan Dowladda Fedaraalka uga digtay, isbadallo dhici kara muddo laba bilood gudahood ah, loogana baahan yahay iney u diyaar-garoobaan qaabilaadda isbadallada siyaasadeed ee Washington ee ku wajahan Soomaaliya.
Waxaa xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay shisheeyuhu ku leeyihiin dalka looga yeeray, dhammaan xubnaha katirsan Dowladda Fedaraalka ee heysta dhalashada Mareykanka, ila wareedyo ayaana soo tabinaya in masuuliyiin Ameerikaan ah ay xubnahaan ka dalbadeen diyaar-garow buuxa, sababo ku aaddan isbadallada dhici kara 60 maalmood ee nagu soo wajahan.
Diblimaasiyiinta Ameerikaanka ah ayaa muujiyay sida ay u dhimatay rajadoodii ku aaddaneed iney wadahadallo dhex dhigaan Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka kuwaas oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday, islamarkaana sababay iney istaagto taageeradii ay reer-galbeedku siin jireen Dowladda Fedaraalka.
Washington ayaa qorsheyneysa in dhammaan diblimaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda ay kala baxdo xerada Xalane ismarkaana ay xirto safaaraddeeda Muqdisho marka la gaaro dhammaadka sanadkaan 2026, arrintaas oo kusoo aadeysa iyadoo la filayo in Soomaaliya ay marti galiso isbadallo xagga amniga ah.
Sida ku cad xogaha la helay Washington ayaa go’aansatay, in iyadoo ay jirto hakinta maalgelinta ay ku bixiso ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka, ay haddana joojiso taageerada dhaqaale ee ay ku bixin jirtay miisaaniyadda Dowladda Fedaraalka ee malaayiinta Doollar ah.
Qaar katirsan ah wasiirrada iyo xubnaha baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ee qeybta ka ah kuwa looga yeeray xerada Xalane ayaa waxay sheegeen, in Washinton ay aad uga carootay kheyraadka Shidaalka ee uu Xasan Sheekh u gacan galiyay Dowladda Turkiga.
Khilaafaadkaan ayaa daaha ka feydaya halka uu gaarsiisan yahay loollanka ka dhex taagan dowladaha shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka, islamarkaana ku aaddan boobka kheyraadka Soomaaliya, waxayna kusoo aadayaan xilli uu fashilmay duullaanka mudada fog ay ka wadaan dalka ee haatan la la’yahay cid dhabarka u ridata maalgalintiisa.