Falalka La Xiriira Dhulboobka ee ay Ku Hawlantahay Dowladda Fedaraalka oo Wali ka Socota Muqdisho.
Dowladda Fedaraalka ayaa shalay boob, barakicin iyo burburin ka sameysay degmada Kaaraan gaar ahaan xaafadda Godey ee ka tirsan degmadaas.
Qoysas badan oo ku noolaa xaafadda ayey saameeyeen boobka iyo burburinta lagula kacay Xilli aroor hore ah, waxayna sheegeen iney halkaasi isaga barakacayaan.
Godoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Muungaab ayey si gaar ah ugu eedeeyeen inuu dhulkooda boobayo, waana kuwan iyagoo ka hadlaya dhibaatada haysata sheegayna in dhulboobka ay u wehliso rasaas loo adeegsaday.COD
Dowladda Fedaraalka ayaa maalmihihii la soo dhaafay sii laba jibbaartay dhulboobka ay ka waddo Muqdisho oo ay barbar socdaan barakicinta iyo burburinta ay ku sameyneyso guryaha dadka shacabka ah.