Nin Baadari ah oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Uganda.
Bernard Mulongo oo ahaa Baadari u dhashay dalka Uganda kana tirsanaa kaniisad ku taalla dalkaas ayaa la dilay, saacado yar kaddib markii uu ka qeyb galay dood diimeed ay wada yeesheen Baadariyaal Kirishtan ah iyo culimo Muslimiin ah.
David Omala oo kamid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay, in imaam lagu magacaabo Xasan Muusaa uu u hanjabay baadariga la dilay markii dooddu dhammaatay, isagoo ku eedeeyay inuu marin habaabiyay dadka Muslimiinta ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in imaamkaan Muslimka ah uu baadariga ku war-galiyay inuu dil mudan yahay, sababo ku aaddan falalkiisa gurracan ee uu ku faafinayo diinta Kirishtanka, sidaasna ku baadiyeynaya dadka Muslimiinta ah.
Isagoo sii hadlayay ayuu tibaaxay in imaamkaan uu sidoo kale jeediyay khudbado dadka Muslimiinta ah ku boorinaya iney ku ad-adkaadaan Kirishtanka.
Ciidamo katirsan booliska Uganda ayaa gaaray goobta, iyagoo utagay baadariga oo aad u dhiig-baxay isagoo meyd ahna dhulka yaalla.
Waxay Boolisku tibaaxeen in baadarigaan dhaawacyo culus laga gaarsiiyay dhanka madaxa, gacanta midig, dhabarka iyo xabadka, iyagoo tilmaamay iney wadaan baaritaan ku aaddan dhacdadaan.
Warbaahinta Uganda ayaa soo tabinaysa in wadaadka ay sheegeen inuu ka dambeeyay dilka uu goobta isaga baxsaday, illaa iyo haddana aysan jirin cid loo soo qabtay dilka baadariga.
Weerarkaan ayaa qeyb ka ah silsilado dhacdooyin ka dhan ah dadka Kirishtanka ah oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka Uganda, horraantii sannadkaan ayayna aheyd markii nin Muslim ah oo ku nool Uganda uu dilay wiilkiisa kadib markii uu ka baxay diinta Islaamka.