Ciidamo Cusub oo Kasoo Goostay Dowladda Federaalka Kuna Biiray Safka Maleeshiydka Laftagareen.
Sacaadihii la soo dhaafay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Koonfur Galbeed ka goostay askar hor leh kuwaas oo uu hogaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Aadan Maxamuud.
Ciidankan iyo sarkaalka wata oo la goostay hubka ayaa ku si toos ah ugu biiray safka maleeshiyaadka Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxayna ka soo muuqdeen sawirro ay baahiyeen maleeshiyaadkan iyagoo la sawiran horjoogayaasha ugu sarreeya maleeshiyaadka hoostaga Cabdicasiis Laftagareen.
Askartan ka baxay safka Dowladda Fedaraalka ayaa goosashadoodu waxay ku soo aadeysaa xilli maalmo yar uun kahor ay maleeshiyaadka Laftagareen soo bandhigeen ciidamo iyo saraakiil ka goostay Baydhabo oo ku biiray safkooda.
Waayihii udambeeyay waxaa aad isku soo tarayay ciidamada iyo hubka lagala goosanayo Dowladda Fedaraalka ee ay helayaan maleeshiyaadka Laftagareen oo horay ugu hanjabay iney weerari doonaan magaalada Baydhabo.
Isku soo wada duuboo Aadan Madoobe Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed oo ah nin uu Xasan Sheekh xabad iyo xoog ku geeyay Baydhabo ayaa har iyo habeen waxaa walaac ku haya maleeshiyaadka ku sugan duleedka Baydhabo ee marna weeraraya ciidankooda jooga Baydhabo marna isaga laftiisa usoo hanjabaya.