Maraykanka oo Axmed Madoobe Ku Wargalisay Qorshe Cusub oo uu Maraykanku Ka Doonayo Maamulkiisa.

0

Xog cusub ayaa kasoo baxaysa kulankii shalay magaalada Kismaayo ku dhexmaray hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin ka socday dowladda Mareykanka, taas oo muujinaysa in xukuumadda Washington ay u gudbisay farriin la xiriirta isbeddel lagu samaynayo qaabka ay ula macaamilayso maamullada ay Shisheeyaha ay ugu horreeyaan ka hirgeliyeen Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Axmed Madoobe ayaa fadhigaas kala kulmay fariin uusan horay uga helin dowladda Mareykanka, waxay masuuliyiintii la kulmay u cadeeyeen in dowladoodu ay ka daashay qaabka ay u shaqaynayaan maamullada ay ka dhiseen dalka, isla markaana aysan lacag dambe ku bixinayn.

Waxaa sidoo kale lagu wargaliyay Axmed Madoobe inuu caddeeyo sida uu ugu diyaar garoobayo ka shaqaynta qorshayaasha iyo xalalka ay Washington hadda miiska soo saartay, kuwaaas oo ka badalan kuwii hore.

Wafdigii gaaray magaalada Kismaayo ayaan wax kulan ah la yeelan Dowladda Federaalka, isla markaana waxay si toos ah uga amba baxeen Kismaayo iyaga oo ku sii jeeda magaalada Washington, taas oo banaanka keentay kalsooni darrada uu Maraykanku ka qabo Dowladda Xasan Sheekh, sida uu Sheegay madaxwaynhihii hore ee Dowladda Federaalka Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka warramay heerka uu gaarsiisan yahay musuqa iyo nidaam darada keentay in uu Maraykanku danaha uu dalka ka leeyahay kala hadlin Dowladda Federaalka, isaga oo tusaale usoo qaatay dowladii burburtay ee Afghaanistaan, iyo halka ay ka gaartay musuqa iyo ku tiirsanaanta Shisheeyaha.

Weli lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu Mareykanku si gaar ah u danaynayo ama nooca qorshaha uu wato ee uu soo bandhigay Axmed Madoobe, waxaase xusid mudan in dhawaan ay soo baxayeen warbixino ay soo saareen hay’addo Ameerikaan ah, kuwaaas oo Mareykanka kula taliyay in uu yareeyo dawrkiisa dagaal ee Soomaaliya, dhanka kale uu xoojiyo boobka khayraadka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay ka arimiyaan maamulada la kala baxay Jubbaland, Putland iyo Soomaalinad.

Leave A Reply

Your email address will not be published.