Maamulka ay Itoobiya Ka Hirgalisay Soomaali Galbeed oo Ganacsatada Kusoo Rogay Canshuur Cusub.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed ee ay Itoobiya gumeysato ayaa ku warramaya, in ay xiran yihiin goobo badan oo ganacsi, islamarkaan ay ka mid yihiin kuwa iibiya qalabka gadiidka.
Ganacsatada oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinnada ka soo warrama magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegeen, iney culeysyo kala duwan oo la xiriira dhanka canshurta ay kala kulmayaan maamulka ka amar qaatay Itoobiye ee fadhigiisu yahay Jigjiga.
Sidoo kale ganacsatadaan ayaa waxa ay tilmaameen, iney marka hore la dhibaateysnaayeen canshuurta caadiga ah ee uuu ka qaado maamulka, balsa uu iminka hirgeliyay nidaam cusub oo canshuur bixin ah, tasoo ay awoodi karin iney bixiyaan.
Gancsatada qaarkood oo nolal maalmeedka qoyskooda ka raadinjiray goobaha ganacsi ee xiran, ayaa waxay tilmaameen, iney sameyn ballaaran ku yeelan karto arrintan.
Canshuurtaan baada ah ee lagu soo rogay ganacstada ee magaalada jigjiga ayaa waxa ay timid, kadib markii uu duqa magaalada Jigjiga qoraal uu baahiyay ku sheegey, hirgelinta nidaamka cusub ee qaansheegta elektarooniga, qasabna ay ku tahay in ay qaataan dhamaan ganacsatada magaalada Jigjiga.
Dhawaan ayee ahayd markii sidaan oo kale maamulka magaalada Jigjiga uu ganacsatada iibiya dharka uu ku soo roogay canshuur nuucaan ah, kadib markii y ganacsatada sameeyeen gaduud, islamarkaan ay kala hortageen diidmo cad.